Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

Madaxa Xaquuqul Insanka Ciidanka Asluubta soomaaliyeed lL/X/Le: Sacdiyo Xasan Cali ayaa Muqdisho uga qeybgashay kulanka Guddiyada Caruurta ee Wasaaradaha Cadaaladda, Amniga, Difaaca, Waxbarashada iyo Qoyska oo looga hadlay ajandayaal ay kamid yihiin ka hor tagga Askareynta iyo shaqaaleysiinta caruurta, wax-kaqabashada xad-gudubyada waaweyn ee caruurta ka dhanka ah, horumarinta waxbarashada iyo caafimaadka caruurta, dhaqan-celinta, xanaaneynta, tababarada iyo dib-u-bulsheynta caruuta ay khawaarijtu marin-habaabiyeen, Sharciyada caruurta, qabashada iyo xabsi ku-heynta caruurta sharciga khilaafta, kaalma sharci oo caruurtu helaan iyo cadaalad marsiinta kuwa caruurta xad-gudubyada u geysta.
DHAMAAD

Leave A Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *