Madaxa xaquuqul insaanka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed L/X/Le: Sacdiyo Xasan Cali ayaa ka qeybgashay Shir looga hadlaayey Carruurta ay saameysay colaadaha hubeysan ( CAAC) kaas oo ka dhacay xarunta wasaaradda Gaashaandhigga.
Shirka ayaa ka soo qayb galeen Agaasimiyaasha Wasaaradaha kala ah wasaaradda Cadaaladda, waraaradda Aminga Gudaha, Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xaquuqda Aadanaha, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Taliska CXDS iyo Taliska Ciidanka Asluubta.
Ujeeda shirka ayaa ahaa u diyaargarowga shirka rubiclaha (Quarterly CAAC WG meeting) iyo sidii Soomaaliya iyo dhamaan laamaha amniga looga saarilaha warbixinada QM ee laxiriira lixda xad-gudub ee lagu soo eedeeyey iyo sidii looga shaqaynlaha 2019 Roadmap oo ay kala saxiixdeen QM iyo dowlada.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhiga mudane Ali Adan Hassan oo marti geliyey shirka ayaa sheegey in dowlada Soomaaliya muhiimad gaar ah u leedahy badqabka Carruurta ay saameysay colaada hubeysan qaasatan kuwa Argagaxisa marin habaanisey.
Gababadadii shirka.
Dhamaan Agaasimiyaasha ayaa isku raacay sidii loo ciribtirilaha lixda xadgudub ( six Gravitation) ee lagu soo eedeeyo CXDS iyo Guud ahaan dalka.