Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hal darajo dalacsiiyey Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Mahad Cabdiraxamaan Aadan oo ka hor intaan la dalacsiin ahaa Sarreeye guuto.
Dalacsiinta Taliyaha, ayaa timid kadib markii waxqabad muuqda uu ka sameeyey Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, waxaana Taliska Asluubta uu ku guuleystay dib u dhiska Ciidanka iyo in dib u dayactir lagu sameeyo qaar kamid ah Xarumaha Ciidanka, kuwaasi oo ku burburay dagaaladii dalka ka dhacay.
DHAMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed
E-mail: media@cas.gov.so
Website: https://cas.gov.so/
